Mashruuca Indha-jeexidda oo kamida mashaaricda ugu waa wayn ee ay Hay’adda Kafaalo fuliso, ayuu Rabbi u sahlay Kafaalo inay kafuliso sanadkaan 1430/2009 ugu horayntiisi gobolka Gedo magaalada Balad Xaawo, halkaan oo loogu indho fiiqay 1000 ruux oo aan horay wax u arki karin gebi ahaan ama aragoodu daciif ahaa.

Kharashka ku kacay mashruucaan ayaa waxaa sadaqaystay Khayrfalayaasha Soomaliyeed ee sida joogtada ah iyo sida aan joogtada ahayn sadaqooyinkooda soo mariya Hay’adda Kafaalo. Halkaan oo qof walba dooranayay inta qof ee uu awoodo inuu kabaxsho kharashka indho-jeexidda.

Dhanka kale Hay’adda Kafaalo waxay mashruucaan kala shaqaysay WHO (World Health Organization), waxaana hawsha fulinteeda gacan wayn ka gaystay Jamciyadda Al-Manhal iyo dhakhaatiir Soomaliyeed oo qaarkood uga yimaadeen Cusbitaalka indhaha ee magaalada Hargaysa.

Markaan ayaa ahayd markii labaad ee ay Hay’adda Kafaalo fuliso mashruucaan, meesha markii hore ay ka fulisay magaalooyinka Marka iyo Baydhabo. Sanadkaan gudihiisana waxaa noo qorshaysan inaan ka fulino gobolada kale insha Allah, waxaana ku dhiira gelinaynaa qof walba oo awooda inuu gacan ka gaysto, si ay dadkaas walaalaheena dib u helaan aragooda qaaliga ah.

 

 

 

 

 

 

Last Updated ( Friday, 12 June 2009 16:01 )