Gabdhaha Dhalinyarada Oslo oo dhisay Masjid Waqaf ah
aha ee da'aadooda ah?
Waxaa hubaala gabdhahaas inay sida gabdhaha kale yihiin gabdho dhalinyaro ah oo u badan arday iskoolo dhigata, laakin waxay intaas kusii darsadeen inay fahmeen keydka dhabta ah inuu jiro xagga Aakhiro oo aysan noloshu ahayn kaliya waxbarasho iyo shaqo kaliya, laakin sidoo kale loo baahan yahay in daaro laga dhisto meesha loosii wada socdo ee ah nolosha danbe (Aakhiro). Sidoo kale walaalahas khayrka jecel waxay dareemen inuu saaran yahay waajib bulshanimo iyo waxtar umadeed.
Markaa kadibna waxay fahmeen oo dhuuxen Waqaf waxa layiraahdo inuu yahay camal aad aduunyadaan kusamayso oo dadku ka faa\'iidaystaan, isla mar ahaantaana ajarkiisu sii soconayo noloshaada iyo geeridaada kadib . Markaas waxay gabadhas ka fakareen dhawr arimood:
- Inay bulshada dhibta haysata si uun gacan uga gaystan oo aysan quusan.
- Inay waalidkood baariyaal u noqdan oo Waqaf u hormariyan.
- Inay iyaguna samaystan Waqaf, caruurtoodana ku tarbiyeeyan camalka wanaagsan ee khayrka ah.
- Iyo in iskaashi(cooperation) wax badan lagu qaban karo oo wixi qof dhib ku ah iskaashi dadban sahalanyihin.
Intas kadib gabdhahaas oo kamida ah Khayrfalayaasha Kafaalo waxay lasoo xiriiren Hay\'adda Kafaalo iyagoo ka waraysanaysa sida ay mashruuc Waqaf ah u samayn karan. Waqafka oo ah mashaaruuca ugu muhiimsan mashaariicda Hay\'adda Kaaalo awgiis ayay hay\'addu usoo bandhigtay walaalahas inuu jiro iskuul ka mid ah kuwa ay Hay'addu gacanta ku hayso oo aan haysan meel macalimiinta, shaqaalaha iyo ardaydu ku tukadaan, iskuulkaas oo kuyaal magaalada Kismaayo.
Macluumaadkaas markii ay isla heleena hal mar ayay kharashkii lagu dhisi lahaa keenen xafiiska Hay'adda Kafaalo sadaqadii ay niyaysten oo ahayd $4600. Inta ka dhimaanatay waxaa dhamaystiray qaar ka mid ah khayrfalayaasha Hay'dda Kafaalo maadaama mashruucu ku kacayay lacag dhan $7100.Masjidka waxaa lagu tukadaa shanta salaadood, kawaran sujuud walba oo lagu sujuudo imisa ajar ah ayay gabdhahaas ku leyihin? Kawaran qof walba oo Ilaahay ku xusay imisa ajar ah ayay gabdhahaas kahelayaan? Ilaah uun baa garan! Taas waa tii Aakhiro.
Gabdhahaas oo xatta magaca u dooray baydkan Ilaahay waxay muujiyen wacdaro taarikhi ah, taarikhduna isma samayso laakiin shakhsiyaad ayaa sameeya. Maanta masjidka waxaa la dhahaa masjika Uxud, waligiisna waxaa loogu yeeri doonaa magacaas, xattaa kadib markay gabdhahaas dunidaan ka tagaan waxaa xusuusan doona jiilal danbe oo aan maanta dunida saarnayn, waxay sido kale sameeyen wax ay isku xasuustan gabdhahaas walaalaha ah oo dunida intay saaranyihin u sahlaysa in ay is xiriiriyaan oo khayraad kale iska kaashadan.
Ma doonaysaa sida gabdhahaas inaad Aakhirana wax hormarsato, aduunkana qof umadda anfaca noqotid?Kafaalo hadda waxay haysaa dhawr mashaariic oo Waqaf ah, taarikhna reebaya waxaana kamid ah:
- Biyo gelin lagu samaynayo xarun agoon ah oo biyahaas laga cabbi doono inta dhismahaas jiro.
- Koronto gelin lagu samayn doono xarun agoon ah, iftiinkaas oo inta uu jiro aad ajar ku leedahay qof walba oo wax kubarta, jaahilnimada kaga baxa, ama wax ku iftiinsada.
- Geedo lagu beeri doono xarun agoon oo ay harsan doonaan dad iyo duunyo.
- Jiko ay caruurtu ka cunteeyaan.
Hawlahaas iyo kuwo kale oo aan halkaan kusoo wada koobi karin, waa mashaariic Waqaf ah oo aad naftaada meel u dhigan karto.




Last Updated ( Friday, 12 June 2009 16:01 )





