Adwalka Mashurca Indhof-fiiqidda ee 2008 kaqayb qaado
Bisha April bilowgeeda waxay hay’adaha Al-Manhal iyo Kafaalo fulin doonaan mashruuc kamida mashaariicdooda khayriga ah.
Kaasoo ah inay u indho-jeexaan dhawr boqol oo qof oo Soomaliyeed.
Jadwalka Indho-fiiqidda ee 2008 waa sidaan:
# | Place of the eye Camps | No. Cataract Surgery | Date of the eye camp |
| 1 | Hargeisa | 600 | April 2008 |
| 2 | Baidoa | 500 | April 2008 |
| 3 | Dhuusamareeb | 300 | May 2008 |
| 4 | Garowe | 200 | May 2008 |
| 5 | Galkaio | 400 | June 2008 |
| 6 | Badhan | 200 | June 2008 |
| 7 | Xuddur | 400 | July 2008 |
| 8 | Borama | 300 | August 2008 |
| 9 | Kismayo | 500 | September 2008 |
| 10 | Guriceel | 300 | October 2008 |
| 11 | Burco | 500 | November 2008 |
| 12 | Buulo mareerto | 450 | December 2008 |
|
| Total | 4450 |
|
Indhuhu waa nimcooyinka Rabbi bixiyo kuwa ugu qaalisan.Waxaana dareemi kara qofka aragiisa waaya iyo qofka haya. Culayska qofka indhaha li’i kuma koobna isagoo keliya laakiin waxuu saameeya inta la nool oo waxuu u baahan yahay qof si joogto ah u gacan qabta oo ugu adeega. Sidaa awgeed waa culays haysta qofka, qoyska iyo bulshadaba.
Ka warran haddii dadkaa indhaha la’ 80% in ka badan aragoodii dib loo soo celin karo, oo weliba qiimaha aragooda loogu soo celinayo uu ka yar yahay qiimaha aad ku qadaysiiso Asxaab aad jeceshahay inaad maalin wada qadeysaan, mase ogtahay inta aad qadeynaysaan in ugu yaraan labo qof aragooda la soo celin karo.
Magaalo kasta oo dalkeenna ka mid ah waxaa laga helayaa boqolaal qof oo indhahoodu u cadilan yihiin wax aan ka badnayn $40. Taa micnaheedu waa $80 waxaad indhaha ugu jeexi(fiiqi) kartaa labo qof oo indha la’. Miyaanay aheyn wax lagu farxo inaad aragto qof
shalay la hagayey oo maanta indhihiisii ku soconaya?
Waxaanu dhamaan ugu baaqaynaa khayrfalayaasha Hay’adda Kafaalo iyo dhamaan walaalaha kaleba in ay mashruucaas ka qayb qaataan,una gurmadaan walaalahooda tabaaleysan.
Mashruucan waxaa wado fulinaya Hay’adaha Kafaalo iyo Manhal,Hay’adda Manhal waxay dhowaan soo gebogebeysay indhofiiqidii magaalada Jawhar,waxaana loo indhofiiqay dad gaadhaya ilaa 900 qof.
kaalmadaada ku soo hagaajin kartaa:
Sweden: Ku soo dir kontada u gaarka ah indhofiiqida waana: 8327-9,904 132 959-1
Norway:Ku soo dir kontada u gaarka ah indhofiiqida waana: 0539 5449011
Aduun weynaha kale: Ku soo dira xawaaladaha Soomaaliyeed idinka oo ku soo qoraya magaca Hay’adda Kafaalo,telefoon +4721646815,Oslo Norway.
Last Updated ( Saturday, 14 March 2009 17:51 )





